Maxaad ka taqaan Tisxiga iyo Mucjisada Qur'aanka?

 Tisxiga iyo Mucjisada Qur'aanka



Tisxiga waxaa lagu sheegay Bible-ka 10 mar, Qur'aankana 1 mar. Ma ogi in Bible kani yahay Injiilkii Asalka ahaa ee Nabi Ciise CS iyo in ey wax ka bedeleen, Laakin markii aan fiiriyay 10kaa mar iigama  muuqan mid si cilmi ah uga hadlee Tisxiga, waxa ey wada ahaayeen Qisas ku saabsan Tisxiga. Laakin Halka Mar ee Tisxiga Qur'aanka lagu sheegay waxaa ka muuqato Mucjiso Cilmi ah.

Carabtii nooleed Wakhtigii Hore sideey u fahmi kareen Aayadaan iyaga oo aan heysan Qalabka casrigaa ee wax lagu baaro?. 

Qur'aanka waxaa loogu talagalay ummaddii wakhtigaa nooleed ,ilaa "Aakhiru Samaanka" Ummadaha nool, si wakhti kasta uu Mucjiso ugu noqdo.


Waxyaabaha Tisxigu uu uga duwan yahay Noolaha kale iyo  Mucjisada Qur'aanku ka sheegay:


1. Waxa uu awoodaa in uu u duulo, toos, Gadaal ama Dhic, in uu bedelo Jihada uu u duulayo waxa ey qaadanee 1/100 sec. ilbiriqsi Boqol loo qeeybiyay meel ahaan. Wakhti aad iyo aad u yar ayuu ku bedeli karaa Jihada socodkiisa, Majiro Noole ama Qalab Bani aadamku sameeyay oo 1/100 sec.jaha badalasho ku sameeyn karo.


2. Badanaa Tisxiga Cumrigiisu waa 15-25 Cisho, waxa ey ku xiran tahay Cimilada iyo Xaaladda halka uu ku noolyahay. Mudadaa gaaban ayuu uga tagaa dunida Tarankiisa. ogow waxaa jira nuuc Tisxi ah oo Cumrigiisu yahay 24 saac oo kaliya, Mudadaa ayuu ku Baaluqaa Ubadna uga tagaa. Mudadaa kooban ayuu maraa Marxaladaha Noloshiisa  Ukunta ilaa Tisxi weyn, Marxaladahaa oo kala ah ( Eeg, Maggots, Larva, Pupa, Adult fly), Tisxiga dhidig markiiba waxa uu dhali karaa illaa 150 Ukun.


3. Baalashiisa waxa uu dhaqdhaqaaji karaa 200 mar halkii ilbiriqsi, ma jiro Nola kale ama Farsamo Beni Aadam oo 200 mar Dhaqdhaqaaq sameeyn karto Halki ilbiriqsi.


4. Jirkiisu waxa uu leeyahay Xaad uu ku qabsan karo meel kasta si uu ugu istaago,  Xatta meelaha Sibibixda ah, sida qarshada.


5.Waxa uu leeyahay jirkiisu 38 xubnood , 20 ka mid ah waxa uu ku dhaqdhaqaajiyaa Baalashiisa ,18 waxa uu ku dhaqdhaqaajiyaa Madaxiisa.


6.Waxa uu leeyahay 2 indhood mid kastana waxaa ku xiran 600 "Camera" Sawir qaade, mid kastana toos ayey u Madax banaan tahay, toos ayeeyna ugu xirantahay Maskaxdiisa.ishiisa waxa uu u dhaqdhaqaaji karaa dhinac kasta, Halkii Ilbiriqsi waxa ey arki kartaa 100 Sawir /muuqaal. 

weli ma maqal Camera leh 200 sawir qaade oo hal meel toos ugu gudbinee, ilbiriqsigiina qaadee 200 sawir oo kala madaxbanaan.


7. Sida Qoraaladii  hore aan idiinkugu soo sheegay, Tisxigu male Calool iyo dheef shiid,  sidaa Darteed inta uuna Cunin ka hor ayuu Banaanka kula daraa, dheecaanada kiimikada ah ee "Enzymes-ka" ee Cuntada shiido,  isla Marka uu dhuuqana waxa ey toos u gashaa jirkiisa, lagamana soo mataji karo wax uu cunay ama Dib loogama soo celi karo, Wanaa taa, tan Aayadu Qur'aanku leedahay wax uu idinka Qaato/ xado dib loogama soo celin karo. waa noolaha kaliya ee Cuntada inta uuna cunin ka hor Banaanka ku  shiido ilbiriqsi, kadibna jirkiisa u ugudbiyo iyada oo diyaar ah, Cuntada qalalanna Banaanka ugu bedeli karo Dareere.

waxaa Qur'aanka lagu yiri: Gaalada kuwa Allaah geeyrkii caabudayo, Haddii ey isku wada tagaan ma Uumi karaan Tisxi, iskaba daa uumide wixii uu ka qaato/ ka xado ee uu Cuno kama soo celi karaan. Macnaha oo ah inta uuna cunin ayeey Ceyntii sheeygu isbedelee.


Markii Culumada Seynisku ey ku faaneen in ey wax cusub ka ogaadeen Nolosha Tisxiga, waxaa lagu yiri: Qarniyaal ka hor ayaa Qur'aanku noo sheegay.


ياايها الناس ضرب مثل فاستمعوا له ان الذين تدعون من دون الله لن يخلقوا ذبابا ولو اجتمعوا له وان يسلبهم الذباب شيئا لايستنقذوه منه ضعف الطالب والمطلوب


FG: Culimada Seyniska Australia  ayaa yiraadhdeen: waxaan ogaanay in Tisxigu uu Dusha sito Sun, Haddii la caburiyo oo uu Neef qabatoomo, ama sharaabka hoos loogu riixo, waxa uu soo daadiyaa dhacaan kale oo Baabinayo Suntii hore ee uu daadiyay.  Hore ayaa Rasuulkeena Muxumad SCW uu noogu sheegay.

Tanna iyada oo faahfaahsan ayaa idiin soo diyaari doonaa hadii Alla idmo.


FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.


Qore: Yahya Amir

Post a Comment

Previous Post Next Post