💝 Sidee looga farxiyaa hooyadaa 🎁💝

 Majeceshahay hooyo ?

Fadlan hoos noogu reeb jawaabta
Mahadsanid 😊

HOOYO:- marka laga hadalayo farxad
Ama naxariis ama daryeel , waxaa waajib ah in aan marka ugu horeeya xusuusano
Hooyo,  sababtoo ah waa halka aay kasoo unkameen

Maadaama aay hooyo abaalkeeda
Aan lagudi karin waxwalba oo lasameeyo
Hadana waxaa jira sababo badan
Oo hooyo looga farxin karo
Loogana duceeysan karo .

Marka laga hadlaayo kafarxinta hooyo
Maaha wax adag , sababta oo ah
Waxaa farxad ugu filan inaa noqoto
Qof dadaalaya ,hormaray, dantiisa yaqaan
Iyo kaliya inaa faraxdo adiga
Oo farxadaada waateeda
Lakiin qodobada aan ka hadleeynaa weey kaduwan yihiin kuwaa .

QODOBADA UGU MUHIIMSAN WAA:-

Q1AAD:– Erayo wanaagsan
Marka aad la hadleeyso hooyadaa ama aay iyada kula hadleeyso waxaa wanaagsan  inaad dhahdo eray naxariis leh
Oo qaboow . Sida:– hooyo macaan boqoradii idhashay  iyo inaad ula baxdo magacyo qurxoon oo iyada ugaara , taas waxa aay kaa caawineysaa inaad ka farxiso hooyadaa .

Q2AAD :– DHOOLA_CADEEYN
doolally cadeeynta waa fure wanaagsan
Oo umuujinaya qofka inaad ku qanacsantahay hadalkiisa .
Markasta ooy kula hadleeyso hooyo
Hadii aad udhalacadeeyso waxeey dareemi doontaa inaad ku faraxsantahay ood jeceshahay waxeeyna kaa dhaweeysan doontaa dadka kale

Q3AAD:–AMAAN
Amaanta waa wax qofkasta jeceleeysto
Oo qofna ma necba in la amaano
Markasta amaan hooyadaa una sheeg wanaageeda oo idil  marmar uhees ama gabay ,suugaan ku amaan hooyadaa
Waxaad noqon doontaa qofka ugu dhaw

Q4AAD:–MAHADCELIN
umahad celi Markasta hooyadaa
Waxaad uga mahadcelisaa sidii ay kuugu dulqaadatay markaad ku jirtay caloosha
Iyo markaad yareeyd .
Umahad celi markasta ooy wax kuu keento
Xitaa hadaanad jecleeyn waxa ay ku siisay
Kudheh dookhaaga waa cajiib
Mahadsanid hooyo macaan

Q5AAD:– HADIYAD

HADYADUHU waxa ay kamid yihiin waxyaabaha aadmiga isku jeclaado iskuna xusuusto ,sidaa darteed waxaa muhiim ah
Marmarka qaar inaa siiso hooyadaa hadyad , qaali ha ahaato ama yeey ahaan
Inta aad awoodo u hadyee hooyadaa
Oo kafarxi markasta noqo qofka kaliya ee tuhunto inuu wax ukeenaayo .

MAXAAD KU DARI LAHEEYD ADIGA?
MAHADSANID HADII AAD HALKAAN SOO GAARTAY ! MAXAD KAFAHANTAY
FAALO KOOBAN QEYBTA HOOSE NOOGU REEB
SII SHERE GAREE


Post a Comment

Previous Post Next Post