TAXANAHA CAAFIMAADKA.
Waa Maxay Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Laga Helo Liin Macaanta?
Liin macaantu waxay leedahay faa'iidooyin caafimaad oo badan waxaana ka mida ilaalinta indhaha iyo hagaajinta araga iyo sare u qaadida baahida galmada ka hortaga calool fadhiga iyo hagaajinta nidaamka difaaca jirka, hagaajinta niyada, kor u qaadida caafimaadka ilkaha, hagaajinta cadaadiska dhiiga, hagaajinta muuqaalka maqaarka, ka hortaga koritaanka unugyada kansarka, kor u qaadida dheefshiidka cuntada iyo ilaalinta wadnaha.
Liin macaantu waa khudrad caan ah meesha aad dunida ka joogtaba waad helaysaa umana baahna aqoonsi gooniya waayo waxay ka mid tahay khudaarta maalin kasta dunida oo dhan laga cuno,
xaqiiqdii waa mida ugu caansan noocyada liinta ee ka tirsan qoyska liinta ee loo yaqaano citrus sidaa darteed liin macaanta wuxuu alle ku abuuray dhadhan wanaagsan waxayna kor u qaadaa caafimaadka qofka bini aadamka ah.
Qiimaha nafaqeed ee liin macaanta 100kii gram:
*Calories-47
*Fiber- 2.40g
*Total carbonyhrate- 11.75g
*Potassium-168g
*Vitamin A-7.5
*Vitamin C 90
*Iron 1%
*calcium- 4%
Faaiidooyin-kan Hoose ayaa Laga Helaa Liin Macaanta.
1:Waxay ilaalisaa indhaha waxayna xaqiijisaa aragtida.
Cunista cuntooyinka hodanka ku ah vitamin C waxay gacan ka gaystaan caafimaadka indhaha sidaa darteed liin macaanta waa il muhiim ah oo laga helo Vitamin C waxayna indhaha ka ilaalisaa nabaad guurka.
2:Waxay kobcisaa baahida galmada.
Liin macaanta waxaa laga helaa faaiidooyin caafimaad oo kaa caawinaaya xoojinta galmada labka iyo dhediga, markii si joogta ah loo isticmaalo waxay awood kuu siinaysaa inaad xaliso dhibaatooyinka galmada ee hoos u dhaca ah kuwaas oo saameeya noloshaada, waxay kaloo ka qayb qaadataa sii wadida galmada .
3:Waxay la dagaalantaa calool fadhiga.
Calool fadhigu wuxuu yimaadaa markay dhibaato ku dhacdo gudbinta saxarada oo ah saxarada oo aan caadi ahayn oo adag sidaa daraadeed liin macaanta hadii aad cunisteeda joogtayso waxay ka hortag wanaagsan u noqonaysaa inaad yeelato calool istaag ama calool fadhi.
4:Waxay xoojisaa difaaca jirka.
liin macaanta waxa ku jira vitamin, waxaana la ogyahay in fiitamiinka ku jira liin macaanta uu sare u qaada shaqada difaaca jirka waxayna liin macaantu gacan ka gaysataa hawlaha difaaca jirka ee u baahan isla markaana raba inay baabi'iyaan cudurada.
5:Waxay hagaajisaa niyada.
Liin macaanta waxay qofka cuna ka caawisaa kor u qaadida niyada iyo yaraynta niyadjabka iyo walwalka, sidoo kale cunitaanka liinta wuxuu kuu horseedaayaa deganaansho sidaa awgeed liin macaanta waxaa taariikh ahaan loo isticmaali jiray daaweynta walbahaarka .
6:Waxay kobcisaa caafimaadka ilkaha.
Dayactirka ilkaha iyo ciridka waa inay mudnaanta koowaad lahaadaan marka laga hadlaayo daryeelka afka maadaama infakshan uu waxyeelayn karo ciridka sidaa awgeed liinta waxay gacan ka gaysataa caafimaadka ciridka iyadoo la xoojinaayo xididada dhiiga iyo unugyada xajiyada ciridka iyo ilkaha.
Faaiidooyinka kale ee liin macaanta:
Waxay nidaamisaa cadaadiska dhiiga.
Waxay wanaajisaa muuqaalka maqaarka.
Waxay ka hortagtaa koboca unugyada kansarka.
Waxay dhiirigelisaa dheefshiidka cuntada.
Waxay kaa caawinaysaa maaraynta neefta.
Waxay ilaalisaa caafimaadka wadnaha.
Miraha liin macaanta waa miro aad loo jecel yahay waana miro laga helo faaiidooyin caafimaad oo tiro badan waxayna jirka qofka siiyaan nafaqooyin wanaagsan sidaa darteed cabitaanka liin macaanta waxaa laga helaa fiitamiino aad u badan oo waxtar u leh caafimaadka, waxaana muhiim ah in lagu dadaalo cunitaanka liin macaanta iyo cabitaankeeda.
Xigasho t
uryare
Post a Comment